Maamulka Islaamiga ah ee Wilaayaadka Bay iyo Bakool oo Degmada Ufurow ku qabtay Munaasabad ay boqollaal qof ka soo qeybgaleen iyo Dhoolatus Milatari oo lagu soo bandhigay Munaasabaddaas.

Wilaayada Islaamiga ee Bay iyo Bakool ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta degmada Ufurow kusoo xirtay seminaar lagu baranayay Shareecada Islaamka Siminaarkaas oo loo qabtay Odayaasha dhaqanka degmadaasi ayna kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka si ay uga faa’ideystaan. 

Munaasabaddii lagu soo afjarayay dowradaasi ayaa waxaa kasoo qeybgalay Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Bay & Bakool Sheekh Mahad Cumar C/Kariim asaga oo waaligu goobtaas ka soo jeediyay hadal qiiro leh oo si weyn usoo jiitay dadweynaha isugu soo baxay munaasabadda.

Wariye ku sugan gobolka ayaa xiriir aanu la sameynay waxaa uu inoo sheegay in Waaligu uu u jeediyay shacabka degmada Ufurow kalimad boorrin iyo dhiiragalin isugu jirta, waxaana uu dadweynaha ugu baaqay in ay wax qabsadaan oo ay isku tiirsanaadaan Allaahna ay baryaan, isagoona ku adkeeyay in ay kamid noqdaan hormuudka Umadda ee jihaadka ka wada Somaliya.

Sheekh Mahad Cumar C/kariim waxaa uu xaqiijiyay in gulufka Islaamiga ah ee hadda ka socda Somaliya aanu ku ekaan doonin kaliya goobaha hadda ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiga ah balse la gaarsiin doono gobollada kale ee dalka sida kuwa Bari iyo kuwa Woqooyi.

Waaliga Wilaayada gobollada Bay iyo Bakool waxaa uu sidoo kale ku baraarujiyay shacabka degmada Ufurow in ay kala gartaan cidda walaalka u ah iyo cidda cadowga ah isagoona soo qaatay aayado Quraan oo muujinaya xiriirka walaaltinimo ee Muslimiinta ka dhexeeya, waxaana uu intaasi raaciyay in xiriirkaasi uu yahay midka Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururweynaha Al-Qaacidda ka dhexeeya balse ay gaalada mamnuuc iyo khalad ka dhigeen.

Odayaashii ka qeybqaatay dowrada sharciga ah ee lagu qabtay Ufurow ayaa iyana halkaasi hadallo ka jeediyay waxaana midkood uu si qiiro leh uga hadlay farqiga u dhexeeya maamulada Islaamiga ah iyo kuwa kale ee soo maray gobolka, isagoona ku adkeeyay shacabka in ay garab istaagaan Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool oo uu sheegay waxqabadka ay u sameysay bulshada taariikhda in aysan dadka reer Bay iyo Bakool soo marin.

Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha ayaa iclaamiyay in Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool ay u bandhigtay 70 nin in ay soo xulaan oo tababar kala duwan la siiyo si ay uga mid noqdaan Ciidamada Ammaanka, waxaana uu yiri ‘’70 nin iska daayee waxaanu diyaar ula nahay maamulka Islaamiga ah 7 kun oo nin oo aan inaga xittaa ka mid noqoneyno’’.

Ciidamo aad u fara badan oo kamid ah Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool isla markaana darees mid ah xirnaa ayaa fagaarihii munaasabadda kusoo bandhigay dhoolatus Milatari oo kooban iyadoona dadweynihii iyo odayaasha qaarkood iyagoo u riyaaqay in ay ka qeyb qaateen oo ay ciidamada dhex galeen.

Xigasho Somalimemo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: