Wilaayada Gobolka Banaadir Ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Shaley Heshiis kala Dhax Dhigay Qaar kamid ah Beelaha Wada Dega Gobolka Banaadir. SAWIRO

Wilaayada Gobolka Banaadir Ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa Shaley waxa ay Heshiis Lagu Najaxay kala Dhax Dhigeen Beelo Soomaaliyeed Oo Wada Dega Gobolka Banaadir Ee Magaalada Muqdisho.

Waaliga Wilaayada Islaamiga  Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Ee Gobolka Banaadir Sh Cali Maxamed Xuseen  Iyo Afhayeenka Xarakada Sh Cali Maxamuud Raage  Masuuliyiin Ka Tirsan |Xarakada ayaa  Kulan Balaaran ay Shaley Isugu Yimaadeen Iyo Odeyaal Dhaqameedyo Ka Soo Jeeda Beelaha Walaalaha ah Ee Abgaal Iyo Murusade  ayaa Heshiis Shareecada Islaamka Waafaqsan Lagu Dhax Dhigay 2daasi Beelood Oo Hore Colaado ay Saliibiyiinta Itoobiya ay Hurinayeen.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) Xafidahullaah Oo Goob Ka Ahaa ayaa Odeyaasha Kula Dardaarmay In Qilaafaadka Beelaha Walaalah Lagu Xaliyo Sida Waafaqsan Shareecada Islaamka.

 Sidoo Kale Sheekha ayaa Odeyaasha u Sheegay In Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay u Taagantahay Habeen Iyo Maalinba Heshiisiinta Beelaha Walaalaha ah Ee Soomaalida Isagoona Sheegay In ay Beelo Faro Badan ay Horay U Soo Heshiisiiyeen.

 Dhanka Kale Waxaa Goobta Ka Hadley Nabadoon Xuseen Dheere Oo Isna Ka Socdey Nabadoonada Beesha Abgaal ayaa Sheegay Inay aad Ugu Faraxsanyahiin Hishiiska Allaah Fadligiisa Ku Yimid Kana Shaqeeyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Wixii Maanta Dhacay ay Yihiin arin Wanaagsan ayna Soo Dhaweenayaan Isagoona Sheegay Gudigii Loo Xilsaaray Arintani In ay La Shaqeenayaan.

 Sidoo Kale Waxaa Isagana Goobta Ka Hadlay Mid Kamid ah Nabadoonada Beesha Murusade kaasi Oo Sheegay In ay Soo Dhaweenayaan Heshiiskan ayna Faraxsanyahiin Heshiiska ay Ka Soo Shaqeeyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Waxaana Uu Nabadoonka Sheegay In  Waxa Dhiman Gudi Loo Saaro.

 Si Kastaba ha Ahaatee Maahan Markii Ugu Horeyse ay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Gogol Nabadeed U Fidiyaan Beelaha Walaalaha ah Ee Deegaanada Wada Dega Gobol ilaa Tuulo Halka Dowlada Ridada Uu Hogaamiyo Murtad Shariif Uu ay Ka Shaqeeyaan Sida Walaalaha Wada Dega Colaad U Dhax Dhigi Lahaayeen Sida Maanta Ka Taagan Galkacyo Beelaha Walaalaha ah Ee Wada Dega Waxaana Colaadaas Hormuud U ah Oo Hurinaaya Dowlada Ridada.

 Xarakada Mujaahidiinta ayaa Balan Qaadey Inaysan Marnaba Ka Daali Doonin Inay Heshiis Dhax Dhigaan Beelaha Walaalaha Ee ah Muslimiinta Iyadoo Dhanka Kale Cadowga Dagaal Jihaad ah Kula Jira Balse aysan Fiirsan Doonin Beelo Walaalo ah Oo Colaad Ka Dhaxeeya. 

اللهم انصر عبادك المجاهدين في الصومال اللهم سدد رميهم ووحد كلمتهم وألف بين قلوبهم ومكن لهم في الأرض واكبت عدوهم ورد مكره في نحره ، يا بديع يا منان يا ذا الجلال والإكرام اللهم أبرم لإخواننا المجاهدين أمر رشد يعز فيه أولياؤك ويذل فيه أعداؤك ويؤمر فيه بالمعروف وينهى فيه عن المنكرنسألك من الخير كله ونعوذ بك من الشر كله.

3 Responses

  1. marka hore allah ayaa mahad iska leh marka xigtana rasuulkiis nasoogaaarsiyey diinta islaamka marka xigtana culumadii kasoo qaadaaday diinta nasoorgaarsiday ayan umahad celinaya intaaas kadib su’aal waa kuwama culamadii diinta nasoo gaarsiiday? waxaan ula jeeda dalkeen soomaaliya ?
    taariikhda waa layaqaan meelna ugama qorna in alshabaab diin soo gaarsiiyeen dalkeena war hooy cidina taariikhda maqarin karto lkn waxa laqaldayaa waa dadka aan samaynin cilmi baaris ee kaliya tahay aqoontoodu wixii lagu shubo kaliya waxaan kula talinaya dhalin yarada soomaaliyeed inay diinta baartaan iyo taariikhd islaamka markaas ayay ogaan karaan waxa saxan iyo waxa qaldan
    wabilaahi towfiiq

  2. waxaan layaabanahay dadka soomaaliyeed ee calnkoodii kubadalay calan wadan kale ani magaranayo arrintaas waxaa lagayaaba inaysay ahayn figrad kasoo baxday hogaamiyaash kooxda lkn ay figradaan wataaan ajaaniibta kooxda majaraha uhaysa waayo calankan waxa uu katur jumaya somalya oo ah wadan leh dowlad iyo madax banaani calanka madowna waxa uu katur jumayaa inay soomaliya kamid tahay wadanka calnkaan leh miyeysan ahayn haddii runta laga hado oo aan xaqiiqda laqarin

  3. ani waxaan qabaa suaalooyin farobadan
    1. waa maxay kalimada jihaad ?
    2. mabanaantahay in dad islaam ah laqufo qubuurtooda islamarkaana lasoosaaro?
    3. mabanaantahay in xad la oofiyo ayada oo aan lahayn dowlad guud ama waalli guud?
    4. mabanaan tahay in qof islaam ah dhigiisa labanaysto oo layiraahdo waa gaaal?
    5 . manaantahay in caruur aan qaan gaarin dagaalka lagaliyo islamrakaana hogaamiyaashu ay soo laabtaaan oo caruurta dabka lagaliyo ?
    intaas oo dhan ma ahan waxaa lagu haayaa kooxda sheegata inay tahay mujaahidiin waa alshabaabe war ilaah ulaabta inta ay goori goor tahay maalin waa laidinla xisaab tami doonaa in sha alaah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: