Si Aanay U Qarqoomin Doonta Jihaadku

maqaalIlaah baa mahadleh naxariis iyo nabad gelyo nabi muxamed korkiisay ahaatay, Intaa ka dib.

Waxaa laga wariyay nucmaan ibnu bashiir ilaahay isaga iyo aabihiisba iyo hooyadiiba haka raali noqdee in uu yidhi: wuxuu yidhi rasuulku naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee “qofka dhowra xuduudda Alle iyo ka aan danta ka gelin waxay la mid yihiin sidii qolo doon fuushan oo ku qori tuuratay qoladee dabaqa sare ee doonta fuuleysa iyo qoladee dabaqa hoose fuuleysa. Qoladii dabaqa hoose fuushay waxaa qasab ku noqotay kolka ay biyo rabaan in ay dabaqa sare u doontaan.

arrintaasoo ay dhib dhibsadeen qoladii dabaqa sare ee doonta fuushaneyd, markaa bay waxay qoladii dabaqa hoose fuushaneyd u soo jeediyeen qoladii dusha fuushaneyd inay ka oggolaadaan inay dabaqa hoose meel ka faruurtaan si ay biyo u helaan iyagoon cidna dhib u geysan, marka haddii ay qoladii dusha sare saarneyd arrintaa ka yeelaan waa ay wada rogmanayaan, haddii ay ka qabtaanna waa ay badbaadahayaan iyaga iyo inta kale oo dhamiba” waxaa wariyay bukhaari.

Dhamaan bulshadu waxay wada saarantahay hal doon, keeda xun iyo keeda wanaagsaniba, mujtamucuna wuxuu isugu xidhanyahay hadba intii isku hadaf iyo ujeedo ah in ay wada socdaan, ayna yeeshaan siyaasad midaysan oo ay ku xaqiijinayaan in ay gaadhaan ujeedadoodaas, iyagoo ku salaynaya hadba waxa marjiciyada u ah.

Ilaahay waxaa uu qadaray in dalka somalia uu cadaw saliibi ahi kusoo duulo, dhulkiisana ay qabsadaan, dadka intiisa khayrka leh ama wax garadka ahna wuxuu u dhaxaysiiyay kuwo uu dilo kuwo uu xabiso iyo kuwo uu caydhsado, waxaanay ahayd xikmad alle allena ma aha mid waxdulmiya “Rabigaa ma aha mid adoomaha dulmiya” surah fisilat ayah 46, dhib rafaad dhimasho iyo imtixaan dheer ka bacdi, waxaa ilaahay fadligiisa ay mujaahidiintu jabiyeen cadawgii saliibiga ahaa wajigiisii hore ee militaryga ahaa oo ay kow ka ahayd bixidii ay wadanka ka huleeleen ciidamadii ethiopia. illaahaybaana mahadleh horeeto iyo dambeetaba.

Saaxada somalia waxaa hada matala mujaahidiinta laba qolo oo kala ah xarakada mujaahidiinta alshabaab iyo xisbul islaam oo ka kooban afar qolo oo isu tegay. waxaana soo ifbaxaya waxoogaa khilaafaada oo u dhexeeya labada koxood qaybo ka mida, waana dabeecad basharku leeyahay waxaase muhiim ah in la xadeeyo khilaafka xalna laga gaadho. taas macneheeduna maaha in hal qadiyo oo taagan xal laga gaadho nabarkana dusha lagama dhayo ee waxaa haboon in waxyaalaha sababaya khilaafka marka hore la isla eego.

Waxa kismaayo ka dhacayna waa uun wax kamida mashaakil soosocda una baahan xalkooda ee maahan qadiyad ku kooban magalo ama shaqsi, waa la odhan karaa shaqsi ayay ku koobantahay tan kismaayo, laakiin way jiri karaan ashkhaas kale oo la fikir ah shakhsiyadaas.

Hadaba aragtidayda oo aan sidaa u dheerayn iyo waayo aragnimadayda oo aan sidaas u balaadhnayn marka laga reebo taariikh akhrin laga yaabo in qofkii diyaariyay uusan ka cadaalad samayn mooyee, ayaa waxaan ku talin lahaa qodobo dhowr ah anoo allaaah ka baryaya in uu ina waafajiyo xaqa. Cadaaladana inagu sugo.

1.MARJICIYADA.

Ilaahaybaa mahadleh inaga dhigay dad muslimiin ah, inagana dhigay dad ahlunah waljamaaca ah, iskuna waafaqsan in wixii khilaaf ah ee inaga dhex dhaca loo celiyo kitaab iyo sunada rasuulka naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuu yidi allaah “Hadii aad shay ku murantaan, u celiya alle iyo rasuulkiisa, hadii aad tihiin kuwo alle iyo maalinta aakhiro rumeyey” suratu nisaa ayah 59.

maadaama oo aan arintaas theory ahaan ama nadariyo ahaan aan la isku khilaafsanayn waxaa muhiim ah in markii ay fulinteedu timaado in loo fuliyo sideeda, loona dhaga nuglaado wixii kasoo baxa.

si hadaba ay arintaasi u taabo gasho waxaan isleeyahay alle ha ina waafajiyee in la sameeyo gole shuuro oo ka kooban labada dhinac, isla markaasna ay noqdaana xubnihiisu xubno cilmi ahaan iyo caqli ahaanba lagu kalsoonyahay, diiwaanka taariikhdooduna uu ka madhanyahay madmadaw iyo khiyaano ay diinta iyo dadkaba u gaysteen, mana aha golahaasi gole siyaasadeed oo kali ah si loo keeno ruux siyaasada ku fiican, laakiin waa gole marjiciyadeed oo labada dhinac hadba talaabooyinka ay qaadayaan ay ku lafo guraan, iyagoo ku eegaya aragti iyo sharciyad islaami ah, waana muhiim in ay aqoon u lahaadaan dhamaan culuumta muhimka u ah duruuftan aan ku suganahay oo ay ugu horeyso aqoon diineed, aqoon militery, aqoon siyaasadeed, aqoon dhaqaale, iwm. shardina maaha in midkastaa uu waxaas oo dhan wada yaqaano ee way is dhamaystiri karaan, laakiin waxaa shardi ah in ay culuumta shareecada oo aasaaska camalkan ah gacandheer u leeyihiin. golahaasi wuxuu ka shaqaynkaraa isku xidhka iyo wada shaqaynta labada kooxood oo aad u muhiim ah, iyo siyaasadaha ku aadan dhulka la wada joogo sidii loo wada joogi lahaa, dhulka cadawga gacanta ugu jirana sidii sida ugu haboon looga xorayn lahaa, iyada oo lagu wada socdo walaaltinimo iyo xaqiijinta hadafka guud ee mujaahidiinta oo ah in kalmada alle kor loo qaado.

2.HIRGALINTA SHAREECADA.

Waxa aan u dhimanayno, u dhaawacmayno, ubadkeenu u agoomoobayaan, dumarkeenuna carmaliga u noqonahayaan, waa hirgalinta shareecada alle isagaa xumaan oo dhan ka nasahane, sidaa aawadeed waxaa waajib inagu ah meelaha aynu xorayno in aynu ka hirgalino shareecada iyadoo kaamil ah, suuro gal ma ahan in meel Somalia aysan murtadiin haysan oo aynu inagu haysanaa in ay shareecadu ka muuqan waydo waa mustaxiil, hadiise ay qolo inagamid ah ka dhacdo, oo meelaha ay ka taliso ay ka jiraan wax khilaafsan usuusha shareecada, oo maqaasidii shareecaduna ay ku dayacantahay, iyagoon arintaas sababo sharciyan u banaana aan haysan, kuna andacoonaya asbaab aan waaqiciyan jirin balse ay is moodsiiyeen waxaa dhici karta in ay dhaliso is maandhaaf, taas oo laga yaabo in qolada haysataa ay asbaab iyo aragti gaar ah ku eegayso hirgainta, dibna ugu dhigayso, ikhwatii waa in aanaynu masaalix mawhuum ah u hakin hirgalinta shareecada wuxuu yidhi allaah “Kuwa hadii aanu dhulka u dhiibno, salaada oogaya, sakada bixinaya, wanaaga faraya, xumahana reebaya” suratu xajj ayah 41.

Walaalka mujaahidka ahi hadii meeshii ay mujaahidiintu xoreeyeen uu ka waayo isbedel islaami ah oo macsidii fusuqii iyo fujuurkii uu sidii u yaalo, ma aqbalayo in uu magac diimeed ahaado waxa u nisbo sheeganaya maamulada deegaanadaas.
Marnaba ogolaan mayno in uu dayacmo dhiigii shuhadadu, mana dayacmi doonto ilmadii dumarkii ku garooboobay dagaaladii halganka shareeco doonka, murugada agoomihii shuhadaduna marnaba inshaa allaahu ma dhali doonto wax aan ka ahayn shareecada oo arlada ka hirgasha. Qabiil iyo qudhna lagama ogolaandoono in ay ku tasarufaan midhihii halganka.

3.ARAGTIDA DURUUFAHA WAAQICEENA.

Waxaa jiri kara in lagu kala duwanaado aragtihaya qaar ay muhiim tahay in laga midaysnaadaa, iyada oo mar walba wixii furuuc ah aanay dhib sidaa u wayn lahayn wixii la isku khilaafaa, ayaa hadana waxaa muhiim ah in si midnimo ku dhaw looga qaato mowqif aragtiyaha iyo duruufaha saamaynaya qadiyada jihaadka somalia oo ay ugu muhiimsanyihiin:-

1.Jihaadkeenu ma maxalibaa mise waa caalami?
2.Cadawgeenu waa kee?
3.Maxaan la qabsan karnaa walaalaha iyagana sideena oo kale duulaanada saliibiga ah lagu qaaday?
4.Midnimadu waa qaali ee side u midoobi karnaa? Maxaynu se kumidoobaynaa? Ma badnaan iyo tirro mise tawxiid iyo mabda?
5.IWM.

Runtii waxaa jiri kara su’aalo badan oo hada aan taagnayn balse soo bixi kara, una baahan in hada jawaabo loosii diyaariyo lana sii gorfeeyo si aysan hadhaw usii balaadhan. Caqabadna u noqon.
Hadii hada aynu ka wada hadli wayno ogaada mushkilada dibaynu u dhiganay maahane maynaan xalin.

4.SIYAASADA SOO NOQOSHADA (TOWBADA) KHIYAANOOLAYAASHA.

Jabkii ku dhacay cadawga saliibiga ahi wuxuu niyad jab u keenay kuwii inala midabka ahaa ee markii hore horboodaayay, taas oo dhalisay in qaarkood ay kusii adkaystaan daba dhilifnimadaas, qaarkoodna ka toobad keenay oo ilaahay uga soo laabtay waxaa foosha xun ee ay faraha la galeen.

Hadaba soo laabashada iyo tawbadu waa wax fiican oo sida aan wada ognahay maaha wax soo xidhma meelaha qaar mooyaane sida sindiiqa iyo ka ay ridada ku noqnoqda iwm. waana mas’alo sharci ah oo inbadan ay culimadu ka hadashay hadase halkan aan munaasab ku ahayn, waxaanuu ugu noqon karaa ruuxii rabaa kutubta ay ka midka yihiin muqniga ibnu qudaamah kitaabka murtadka, fataawaatka sheikhul islaam majalada 7aad, iwm.

hadaba marka aan usoo laabano waaqiceena soomaali ahaan waxaa muhiim ah in aan laba arinba ka taxadarno kuwaas oo keeni kara in ay dhacdo isku dhac labada kooxood ah oo ay sababaan ragaas dib u soo laabtay waxaana ay labada arimood kala yihiin:-

·Maadama ay ragaasi iclaansadeen towbad, shuruudeediina buuxiyeen, shalayto iyo qoomamamana ka muujiyeen danbigii ay ku dheceen, ma haboona in lagu sheego in uu wali wixii hoosta ka wado, iyada oo aan cadayn loo hayn, mana aha in la yidhaahdo toobadiisu maaha maqbuul oo waa laga awood roonaaday, inagana ilaahay inooma uusan igman in aan dadka quluubtooda faqno waxa ku jirana aan ka warano, ilaahay wuxuu inagu adoonsaday daahirka iyo hadba wixii uu qofku muujisto.

·Arinta labaad ayaa waxa ay tahay in aan ragaas soo noqday ee towbada keenay aan lagu aaminin meelaha xasaaska ah sida hogaanada mujaahidiinta, waayo waxay yaalaan mawducu tuhmah, shakina way leeyihiin, marka ay ugu yaraato in ragani dhabarka kaa jabin karaan, wuxuu yidhi rasuulku naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee “Muslimka laba jeer hal god laguma wada qaniino” wuxuu arinkaasi keenayaa in ay raga qaar ku adkaato in ay la shaqeeyaan rag shalay gaalada hormood u ahaa shuhado badanina ay gacantooda ku maqantahay, taasina waxay keenaysaa in nimankaas hubka laga dhigo ciidankana laga wareejiyo nafahoodana loo amaan galiyo, wixii looga baahdo ee la waayo cid kale oo qabatana la isla eego in iyaga loo dirto iyo inkale. laakiin hadii ay taasi dhici waydo oo labada kooxood midna uu duro ragaas towbadooda midna uu iyaga oo tuhmadaas qaba ay madax iyo horjoogayaal ka dhigtaan waxaa laga yaabaa alle ma keenee in ay isku dhac sababto.

5.MOWQIFKA SIYAASADAHA DOWLADAHA SHISHEYE EE TAAGERA MUJAHIDINTA.

Sida aan wada ogsoonahay dawlado badan oo dano gaar ah ka leh somalia ayaa waxa ay qaarkood taageeraan qaybo ka mida mujaahidiinta.

dawladahaas taageera qaybo ka mida mujaahidiinta Somalia uma bixiyaan jacayl iyo kalgacal ka haya xoriyada maqan ee somalida, laakiin maslaxadooda gaarka ah iyo maslaxada mujaahidiinta ayaa isku meel gashay, hadaba dawladahaasi hadii ay dareemaan in kuwo ka mida mujaahidiintu ay durayaan kana dhiidhinayaan xidhiidhkaas, waxay qaadanayaan dawladahaasi shisheeye mawqif ah in ay meesha ka saaraan kooxdaas dhaleecaynaya xidhiidhka ay la leeyihiin islamiyiinta iyaga oo u adeegsanaya garabka ay markaas maalgalinta ku sameeyaan.

Waxaa kale oo iman karta in ay dawladaha qaar ku cuslaato in ay taageeraan mujaahidiinta iyagoo danohooda gaarka ah eeganaya, sababo ay kamid yihiin culays dhanka aduunka ka saran kuwaas oo ku eedaynaya in ay ururo loo aqoonsanyahay argagixiso ay maalgaliyaan, si markaas culayskaas ay isaga dulqaadaan way ku fikiri karaan in ay kooxdaas ka takhalusaan iyada oo u maraysa garabka ay maalgaliso oo iyaga dunidu aysan u aqoonsanayn argagixiso.

Sidaa aawadeed markasta waxaan kula tilinaynaa kooxaha maalgalinta ka qaata dawlahda gaalada ah iyo kuwa murtadiinta ah ee carbeedba, in maalkaasi aan bilaash loo bixinahayn ee ay isku taxaluujiyaan si kale oo ay maal ku heli lahaayeen, ugana madaxbanaan lahaayeen, khaas ahaan qanaaimta iyo tabarucaatka mujaahidiinta mukhlisiinta ah, wuxu yidhi rasuulku naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee “Arsaaqadayda waxaa la dhigay warankayga hadhkiisa”.

Ikhwatii tijaabo waxaa idiinku filan maalgalintii gaalada ee jihaadkii afghan waagii soviet-ka, bosnia, jabhadii islaamiga ahayd ee Eretria, iyo kuwo kale oo badan.

Hala is badhqabto intaan saanadeena iyo sahaydeenu aysan gacan gaal wax kazoo baxa noqon ilaahay ha ina asturo isagaa razaaqee.

6.QORSHAHA GUUSHA DABADEED.

Jabhadihii riday nidaamkii rajiimka ahaa ee siyaad barre waxa kali ah ee u muuqday wuxuu ahaa in ay nidaamkan hada uun ka takhalusaan, qorshe istiraatiijiyadeed oo ka dambeeya markay ridaana may lahayn, sababuhuna ha ahaadaan iyada oo dawlada itoobiya aanay doonahayn in marnaba ay jabhadahaas ay soo dhawaysay ay Somalia badbaadiyaan kana hadlaan mustaqbalka dalka riditaanka rajiimka ka gadaal, iyo kolay aqoon iyaga halkaas dhigtayba.

Taasi waxay dhalisay in ay iyagii isku jeedsadaan markii ay meeshii ka saareen nidaamkaas, oo ay uga sii daraan siday ahayd, iyaga oo sii kala qaybqaybsamay, waxaana fushay ujeedadii dawlada itoobiya oo ahayd in aan dawlad dambe oo somaliyeed aysan cago isku taagin.

Masiirkeenu in uu halkaas ku dambayn karo, ujeedooyinkeenu haba kala duwanaatee ayaa aad u badan hadi aynaan kasii tashan arinkaas inta uusan iman. Waa run alle wuxuu ina amray in aan diinta u shaqayno natiijaduna isaga ayay u taalaa, laakiin dhib aynu aragno oo soo socda in aan laga sii gaashaaman u malayn mayo in aynu u helayno mubarar sharci ah walaahu aclam.

Marxalada guusha ka bacdi khaasatan qaybaheeda hore waa marxalad runtii aad uga adag ugana dhib badan tan hada, waana marxalad aad u baahantahay isu ururin aad dadka isu ururiso, in islaamiyiintii jihaadka kazoo qaybqaadatay la isu keenaana way kasii horaysaa arintaas, si aad uga hortagto cadaw badan oo munaafaq, daciiful iimaan, cadaw gudeed iyo mid dibadeedba ah.

Waanay soo dhowdahay idamka ilaahay xiligii aynu la wareegi lahayn Somalia warwarkuna ma ahan ma la wareegi doonaa ee waa ma ilaashan doonaa guushaas.
Masoo koobi karno marxaladaasi waxay diyaargarow inooga baahantahay balse waa is dareensiin uun in aan kasii gaashaamano hada.

ØGunaanad.

Gabagabadii maqaalka oo aad iigu dheeraaday, waxaan kusoo koobayaa marxaladan xasaaska ah ee aynu maraynaa waa marxalad ay masuuliyada u badani saarantahay qiyaadada iyo masuuliyiinta sarre ee xarakaadka islaamiga ah guud ahaan, gaar ahaan kuwan jihaadiga ah ee dalka Somalia, waa marxalad u baahan sabir loo sabro gafka walaalka, gacantana laga dhawrto in aynu hubka ku jeeda gaalada u soo jeedino mid safka inagula jira, haba galabsado in la iska dhiciyee, acmaasha kuwa ugu fiicana waxaa ka mida in aad qof cafido xili aad awoodo in aad wax yeesho, in aan nafta aad u xakamaynaa waa daruuri, in aan carabka aad uga dhowrno waxyaalaha walaalaha mujaahidiinta ah kala kaxaynaya waa daruuri waana waajib.

Ikhwatii way jiri kartaa meelo badan oo aad ku qasbantahay in aad walaalkaa dhangadayso laakiin, waa in xaalkeenu ahaadaa WAA WALAALADAYO OO NAGU XADGUDBAY. Yaysan noqon riddo, nidaam jira oo islaami ah waa lagu bixi karaa, daacadiisa waa la caasiyi karaa laakiin taasi ma keensanayso in ay riddo noqoto ee waa khuruuj lagu baxay imaaradii sharciga ahayd waana waajib in imaarada la difaaco, laakiin marnaba riddo noqon mayso hadaysan jirin ajandayaal gaalo u adeegid ah, ama islaam nacayb ah, taasna hada iima muuqato ee ikhwatii aan shidada iyo adayga raacino dhibirsanaan iyo dulqaad.

Umada muslimiinta ah oo dhami way sugaysaa midhaha kazoo go’a jihaadka iyo halganka aynu ku jirno, khaas ahaan shacabka soomaaliyeed iyo waliba kuwa dhulka guudkiisa ay gaaladu ku dulaysataa ee aan rajada noolayno ilaahayna uga baqano in aan badbaadino doontaa aan wada saaranahay.

اللهم انصر عبادك المجاهدين في الصومال اللهم سدد رميهم ووحد كلمتهم وألف بين قلوبهم ومكن لهم في الأرض واكبت عدوهم ورد مكره في نحره ، يا بديع يا منان يا ذا الجلال والإكرام اللهم أبرم لإخواننا المجاهدين أمر رشد يعز فيه أولياؤك ويذل فيه أعداؤك ويؤمر فيه بالمعروف وينهى فيه عن المنكرنسألك من الخير كله ونعوذ بك من الشر كله.


Walaalkiin Bilaal Hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com
16/10/1430H – 05/10/2009

Bilaal Hargeysaawi
Bilaal_1985@hotmail.com

One Response

  1. WAA KUMA BILAAL, YAA GARANAYA OO WARBIXIN INAGA SIINAYA SHEEKHA.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: