Amiirka Mujaahidiinta Al-shabaab Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr Allaah Dhowree oo ka hadley Somaliland.

Amiirka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaabul Mujaahidiin Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr oo fariin cod ah soo gaarsiiyay Saxaafadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu uga hadlay Xaaladaha Amaan, Dhaqaale, Siyaasadeed & Maamul ee Somaliland.

Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr, waxa uu sheegay 18 Sano ka dib Shacabka Somaliland, wax hormar ah oo lataaban karo inaaney gaarin, ayna la degeen Maamulo xun oo dhinac walba ka cunaqabateeyay.

 Dhaqaalihii wadanka ayuu ku sheegay Hadalkiisa in loo gacangeliyay Shisheeye, sida Xoolihii Noolahaa oo loo xanibay Ganacsade Shishee iyo Dekeda Ber-bera ay noqotey meel gabaahiir ah.

 Shaqo la’aan baahsan oo ka jirta Wadanka ayuu sidoo kale ka hadley Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr, waxa uuna sheegay dhalintu inay arintaa daraadeed Tabriib ku dhamaadeen. Inta yar ee la shaqaaleysiiyay Shacabka laga dhigey Dhar-cad.

 Xidhiidhka Maamulka Rayaale & Itoobiya ka dhaxeeya ayuu sidoo kale ka hadley, waxa uuna arintaa ku tilmaamey mid khatar weyn oo dhan walba ah dalka iyo dadkaba ku ah.

 Fariinta Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr ayaa sidoo kale xambaarsaneyn fariin u shacabka Somaliland kula hadlayay, waxa uuna kula taliyay Dhaqan gelinta Shareecada Islaamka inay u istaagaan kana tashadaan Maamul cidkale aan dan ka laheyn.

 Culimada iyo waxgaradka ayuu sidoo kale la hadley waxa uuna kula taliyay inay u istaagaan hanuuninta, wanaajinta iyo badbaadinta Shacabka, Cilmigoodana uga faa’iideeyaan.

 Dhalinyarta ayuu sidoo kale Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr la hadley waxa uuna kula taliyay inay dowrkooda badbaadinta Umada uga aadan u istaagaan.

 Ugu danbeyntii Shacabka ayuu si guud ula hadley waxa uuna ugu baaqey inaaney soo dhaweysan Itoobiya iyo wax la hal maala, guryahooda ayna ka kireynin kana agdhaawin meel ay joogaan.

 Fariintan uu Sh.Mukhtaar Abu-Zubayr u dirtey Maamulka Somaliland oo noqoneysa tii ugu horeysay, iyada oo cod ahna laga sii daayay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaanu jirin hadal jawaab u ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxey dhanka Maamulka Somaliland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: