Dagaal ka dhacey dhanka W/Galbeed ee Baladweyne.

dagaalWararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxay tibaaxayaan in meel dhanka Waqooyi Gablbeed kaga beegan B/weyne laguna magacaabo Harocadey uu dagaal ku dhex marey ciidamo ka tirsan DKMG ah & Xarakada Shababul Mujaahidiin.

 Dagaalkan oo socdey muddo Saacad & dheeraad ah ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabab weerar la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo halkaa ku sugnaa.

 Sarkaal ka trisan Al-shabab oo la hadley Saxaafada Baladweyne ayaa sheegay Ciidamo halkaa lagu aruurinayay inay weerareen ka dib markii warbixino ka heleen.

 Sarkaalka ayaa sheegay ciidamadii halkaa ku sugnaa ee weerarka la beegsadeen kala eryeen khasaare aanu faahfaahinna gaarsiiyeen goobtana kala wareegeen.

 Wararka qaar ayaa sheegayaa Ciidamada ku sugnaa Harocadey inay ahaayeen kuwo dhawaan Magaalada Baladweyne ka cararey oo halkaa fariisimo ka sameystay.

 Dagaalka halkaa ka dhacey ayaa labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kale duwan, daryanka hubka la is weydaarsanayey ayaa laga maqlayay xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne.

 Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan warar faah-faahsan lagama hayo, balse waxaa jira dhowr qof oo rayid ah oo qaba dhaawacyo kale duwan oo la soo gaarsiiyay Isbitaalka Dhexe ee Baladweyne. 

Waxa uu dagaalkan ku soo beegmayaa xilli maalmihii ugu danbeeyay xiisad colaadeed ka taagneyd Magaalada Baladweyne.

اللهم منزل الكتاب مجري السحاب هازم الأحزاب، اهزم الصليبيين ومن حالفهم من المرتدين.
اللهم اجعلهم وعتادهم غنيمة للمسلمين.
اللهم دمّرهم و زلزلهم.
اللهم أنت عضدنا وأنت نصيرنا،اللهم بك نصول وبك نجول وبك نقاتل.

والله أكبر

{وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لا يَعْلَمُونَ}

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: