Culimada P/land oo bayaan soo saaray: xasuuqa culimadu gacma shisheeye kama marna

culumada%20NadwadaKulan degdeg ah iyo xiriiro ay sameeyeen culimada gobolada w/bari oo lagaga hadalay xasuuqa culimada tabliiqa ah ee u dhashay dalka Baakistaan loogu gaystay saaka magaalada Gaalakacyo ayaa waxaa ka soo baxay bayaan dhowr qodob ka kooban oo ay culimadu u jeediyeen dadweynaha Soomaaliyeed, ayna ugu tacsiyeeyeen eheladii culimadaas la gumaaday, bayaankii culimaduna wuxuu ahaa sidaan: 

 

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

        Faldambiyeedka foosha-xun ee saaka ka dhacay masjidka Tawfiiq ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu xasuuqay culimo ducaad ah oo u dhashay dalka aynu walaalaha nahay ee Baakistaan, falkaas waa mid aad iyo aad u xun sharci ahaan, caqli ahaan iyo dhaqan ahaanba, mana aha mid horay loogu yaqaanay bulshada Soomaaliyeed.

 

        Waxyaabaha fool-xumada u sii kordhinaya xasuuqaan waxaa ka mid ah: dadka la laayay oo ahaa culimo ducaad ah, iyaga oo ahaa dad cirroolayaal ah, iyaga oo ahaa musaafiriin marti ah, iyaga oo soo booqday dal dadkiisu wada yahay muslimiin walaalohood ah, iyaga oo lagu laayay masjid gudihiis, waliba xilli salaadeed, iyada oo aanay jirin haba yaraatee wax aano qabiil, urur iyo siyaasadeed oo loo gumaaday.

 

        Haddaba falka sidaa u foosha-xun ee lagu la kacay walaalaha ducaadda ah wuxuu dhaawac weyn u gaysanayaa sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee muslinka ah, wuxuuna dalkeena iyo dadkeena ka siinayaa dunida muslinka fikrad iyo muuqaal fool-xun, isla markaana wuxuu daah-fur u noqonayaa teed la kala dhexdhigayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo walaalohooda muslimiinta ah.

 

        Tan kale marka la eego sida wax u dheceen maanta ama muddadaanba wax u socdeen waxaa laga fahmi karaa in falka noocaan ah ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo iyagu dano gaar ah ka leh dalkaan, kuna adeeganaya dhuuniqaatayaal diintooda iyo sharaftooda iibsaday. Haddaba annaga oo arrimaha aan ka soo hadalnay oo dhan tixgalinayna waxaanu soo jeedinaynaa arrimahaan soo socda:

 

1.    Waxaan ka xunahay, isla markaana cambaaraynaynaa gumaadka arxan darada ah ee culimada ducaadda ah loogu gaystay masjidka gudihiisa, iyada oo aysan jirin haba yaraatee wax ay gaysteen oo loogu marmarsoodo dilkooda.

 

2.    Waxaan u tacsiyaynaynaa ehelada culimada la xasuuqay, dadweyanaha reer Baakistaan ee aynu walaalaha nahay iyo shacabka Soomaaliyeed oo hortooda lagu gumaaday walaalohood soo booqday.

 

3.    Waa in bulshadu Soomaaliyeed dhammaan iska kaashato sidii dambiilayaashaas loo soo qabqaban lahaa, loona horkeeni lahaa caddaaladda, gaar ahaan maamulada iyo qabaa’ilka oo iyagu wax weyn ka qaban kara xadgudubyadaan.

 

4.    Waa in bulshada Soomaaliyeed ka feejignaato mu’aamaradaha loo maleegayo iyo colaadaha la kala dhexdhigayo, oo hadba muuqaal hor leh loo yeelayo, sida: qabiil, siyaasad iyo diin.

 

5.     Ugu damabayn waxaan Ilaahay ka baryaynaa in uu u naxariisto culimada xaqdarrada lagu laayay, ehelkooda, axbaabtooda iyo muslimiinta oo dhan-na uu ka siiyo samir iyo iimaan, muslimiintana uu ka badbaadiyo sharka mufsidiinta, annagana uusan noo qaban waxa ay faleen sufahadu… Aamiin.

 

Culimada saxiixday bayaanka:

 

1.    Sh. C/qaadir Nuur Faarax

2.    Sh. Daahir Aw Cabdi

3.    Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

4.    Sh. C/naasir Xaaji Axmed

5.    Sh. Axmed Daahir Xasan

6.    Dr. C/qaadir Maxamad Cabdullahi

7.    Sh. Xasan Max’ed Ibraahin

8.    Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur

9.    Sh. Maxamad Macallin Axmed

10.  Sh. Axmed C/samad

11.   Sh. Xasan Xuseen Axmed

12.  Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf

13.  Sh. Axmed Maxamed Faarax

14.  Sh. Bashiir Jaamac Kite

15.  Sh. Mahad C/laahi Maxamed

16.  Sh. Axmed Faarax Garaase

17. Sh. C/nuur Axmed Xirsi

18.  Sheekh Faarax Siciid

19.  Eng. Jaamac C/laahi Maxamad

20. Ustaad C/raxmaan Maxamad C/laahi

 Boosaaso 21/08/1430 – 12/08/2009

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: