Afhayeenka Mujaahidiinta Al-shabab oo dhaleeceeyay Gumaadkii Culimada Tabliiqa ee Galkacyo

sh-cali-raage1Afhayeenka Mujaahidiinta AlShabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Allah Dhowree oo Maanta Shir Jaraa’id Khadka Talefonka ugu qabtey Saxaafada ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey gumaadkii foosha xumaa ee la gula kacey Culimo Tabliiq oo ku sugnaa Masjidka Towfiiq ee Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

sheekha ayaa dilka Culimada ku Sheegay in ay salka ku heyso kuwa Adeega cadowga Saliibiyiinta, Sida ay la socdaan Dadka Muslimiinta ah ee Soomaalida, Mashruucaan Ashahaado la dirirka waxa uu soo bilowdey muddo aad iyo aad u fog, oo wakhtigii Hogaamiye kooxoodku wadan heysteen Wadanka, Dadka Culimada’udiinka & Dadka Ahlu Diinta, qaarna ay iib geyn jireen, qaarna wadooyinka ay ku dileen, ujeedada ka danbeysana ay tahey in la tir tiro diinta ilaahey maxaa yeelay diintu waxay ku jirtaa quluubta Ahlu Diinka ah, kuwaa ayay ku jirtaa, hadii la laayo macnaheedu waxa waaye in la rabo diintii in la baabi’iyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay sheekha falalka nocan oo kale ah inaaney aheyn kuwo lagu yaqaaney shacabka Soomaalida balse ay jiraan gacan shisheeye oo laga keenay, waxa uuna arintaa ka yiri:”Umada Soomaaliyeed runtii asal uma ayna laheyn in la laayo dadka culimada ah ama dadka ahlu diinka ah, in wax loo dhimo asal uma ayna laheyn, laakiin waxay asal u lahaayeen inay karaameeyaan oo ay wanaajiyaan, gaar ahaan dadka Martida u ah waxay Soomaalidu dhaqan u laheyd inay si gaar ah u sii karaameeyaan oo ay wanaajiyaan,laakiin markii dhaqankii wanaagsanaa ka tagtey oo diintii ka tagtey oo gaalo u talisey waxay barteen dhaqamadii xuxumaa ee Gaaladu ay laheyd oo ahaa in Umada laga beegsado dadka indhaha u ah oo wax garanaaya oo Ahlu diinka ah in laga beegsado iyaga oo qandaraasyo ku bixiyay, dhaqaale & Juhdi badanna geliyay sidii dadka culimada ah loo le’yn lahaa.

Falkan ayuu sheegay inuu qeyb ka yahey kuwo horey u dhacey oo sidan oo kale Culimo la gula kacey xilligii Hogaamiye kooxeedyadu joogeen iyo sidoo kale xilligii ka danbeeyay ee Ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya joogeen, waxa uuna si gaar ah tusaale u soo qaatey xasuuqii Culimo & Ardey Tabliiq ah loogu geystey gudaha Masjidka Al-hidaya ee Muqdisho, arintanina ay kuwaas qeyb ka tahey.

Falka noocan oo kale waxa ay tusineyso ayuu sidoo kale ka Hadley waxa uuna sheegay inay qeyb ka tahey dhibaatooyinka kale duwan ee Muslimiinta aduunka lagu hayo iyo khatarta ay leeyihiin cidda ka danbeysa.

Baaq ayuu qeybaha kale duwan ee Shacabka u direy, wuxuuna ugu baaqey in laga dhiidhiyo falalka noocan oo kale si ayna u soo noq noqan lagana hor tago dadka lagu tuhmayo.

Ugu danbeyntii ayuu sheekha tacsi U diray Culimada iyo hogaanka Tabliiqa, Eheladii Culimada la laayay iyo sidoo kale Mulimiinta oo dhan, waxa uuna sheegay xilli ay noqotaba ciddii falkaas ka danbeysay lala xisabtamayo.

                                                                      

اللهمّ عليك باليهود و النصارى و عملائهم المرتدّين..
اللهمّ أنصر المجاهدين في كلّ مكان و أيّدهم بمدد من عندك..
و الله أكبر الله أكبر الله أكبر
و لله العزّة و لرسوله و للمجاهدين

                                                                 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: