Dagaallo culus oo u dhexeeyay Ciidamada Deegaanka Galgala iyo Maleehshiyaadka Cabdi Raxmaan Faroole ayaa xalay markale ka dhacay agagaarka degmada Galgala ee Gobalka Bari oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo ka socdeen.
Xoogaga Mujaahidiinta Galgala ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku qaaday Fariisimo ay Maleeshiyaadka PIS-ta Faroole ku lahaayeen agagaarka galgala waxaana halkaasi ka dhashay Khasaara xoogan oo soo gaaray Maleeshiyaadkii dadka deegaanka kusoo duushay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Mujaahidiinta Galgala ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay ku gubeen 3 Gaari oo Nuuca dagaalka ah islamarkaana ay ku furteen 5 qori oo laba kamid ah ay ahaayeen Nuuca PKM-ka loo yaqaan.
Mas’uuliyiintan u hadashay Sheekh ATAM waxay carrabka ku dhejiyeen in saacado kooban ay la wareegeen Fariisinka ay Maleeshiyaadka Faroole horay ugu sugnaayeen Markii dambana ay dib ugu gurteen iyagoo Bad qabana ay ku laabteen meelihii ay kasoo duulaan tageen.
Kamiino lagu laayay Maleeshiyada Faroole oo dhacay:
.
Shabakadda SomaliMeMo ayaa loo xaqiijiyey in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay Xoogaga Sheekh AtAM hogaamiyo ay Dhabagallo dhowr ah u dhigeen Maleeshiyaadka Cabdi Raxmaan Faroole.
Kamiinada ama Dhabagaladu waxay ka dheceen inta u dhexaysa Boosaaso iyo Galgala taasi oo la yaab ku noqotay Maleeshiyaadka Cabdi Raxmaan Faroole ee duulaanka ku ah dadka deegaanka.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyay in shalay oo kaliya ay dheceen 3 Kamiin ama Dhabagal laba kamid ahna gaadiid dagaal lagu gubay Khasaara dhimasha ahna ay soo garatay Maleeshiyada Faroole.
Xoogaga Mujaahidiinta ayaa qarka u saaran in ay kala jaraan Boosaaso iyo Galgala taasi oo keeni karta in ay kala go’doomaan Maleeshiyaadka layskusoo aruuriyay ee dhibaatada ka wada degmada galgala.
Dhulka Buuralayda ah ku dagaalankiisa ayaa u baahan aqoon dheeri ah iyo Sabar taasina ma hayaan Maleeshiyaadka Garowe iyo Boosaaso lagasoo aruuriyay, ciidamada Sheekh Atam ayaa Tababaro u leh ku dagaalanka Buuraha iyo dagaalka Dhuumalaysiga ah.
Xoogaga Deegaanka ayaa Fashiliyay Hamigii Itoobiya iyo Faroole qabeen oo ahaa in ay Tirtiraan Shacabka deegaanka ee go’aansaday ku dhaqanka shareecada Islaamka waxana muuqanaysa in xoogaga Galgala ay soo ceshanayaan sharaftoodii
Filed under: Uncategorized






