Inkabadan 50-kun oo Askari oo Mareykanka kaga geeriyootey dalka Ciraaq (Warbixin).

Labo xarun oo wax ka qora khasaaraha Ciidamada mareykanka kasoo gaara dalka Ciraaq ayaa soo saarey warbixin cusub oo tilmaameysa in khasaaraha dhimasho ee  Ciidamada mareykanka kasoo gaarey dagaalkii lagu qaadey dalka Ciraaq ay ka badan tahey 50 kun oo xaaladood oo dhimasho ah.
Waaxda  qaabilsan baaritaanda ee Xarunta daraasaadka iyo horumarinta dalka Ciraaq ee loo yaqaano “Al-Umah” ayaa soo saartey warbixintan waxeyna ku sheegtey in laga soo bilaabo sanadii 2003-da ilaa iyo 2009-ka ay ciidamada mareykanka kaga geeriyoodeen dalkaasi ciraaq wax ku dhow 50-Askari taasi oo marka loo eego si weyn u khilaafsan warbixinada ay soo saartey wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee Bentagon inkasta oo dowladda mareykanka lagu eedeeyo  inay qariso khasaaraha ciidamadeeda kasoo gaara dagaalka kasocda dalka Ciraaq.
Warbixinta ayaa sheegeysa in kudhawaad Hal milyan iyo lix boqol oo kun oo Askar mareykan ah ay isku badaleen howsha ka socota dalka Ciraaq mudadii Todobada sano ah ee halkaasi ay xooga ku joogaan waxaana warbixin kale oo kasoo baxdey Xarunta daraasaadka madaxa banaan ee dalka Ciraaq lagu sheegey in dhimashada soo gaartey Ciidamada Mareykanka tan iyo bishii july ee sanadka 2009-ka ay ka badan tahey 33-kun iyo lix boqol oo Askari .
Daraasaadkan oo laga soo xigtey ilo Ameerikaan ah ayaa sheegaya in marka laga tago khasaaraha nafeed ee muuqda ee mareykanka  kasoo gaarey duulaanka ciraaq haddan waxaa jira khasaare kale oo aan muuqan balse ka dhib badan kan muuqda kaasi oo ah inuu  guud ahaan bur burey Macnawiyaadkii iyo Niyadii Askarta Mareykanka iyadoona ay sii korortey saameyna xaga dhimirka ah ee kasoo gaareysa dagaalka ay wadaan dalka Ciraaq.


Ilaha warbixintan ay soo xiganeyso ayaa waxaa ka mi dah Tirakoobyo ay sameeyeen Ciidamadii hore ee mareykanka ee shaqada ka fiirsatey ,Shabakado ay leeyihiin Ciidamada mareykanka iyo Xarunta Xafiiska Xisaabadka mareykanka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano G.A.O.
Toboneeyo bayaano ah oo ay soo saareen Xoogaga islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Ciraaq ayaa horey waxey ugu sheegeen in khasaaraha mareykanka kasoo gaara weerarada ay ku qaadaan uu  boqolaal jeer ka badan yahey  inta ay  Mareykanka ku sheegtaan warsaxaafadeedyada ay soo saaraan Taliskooda waxaana arinta shakiga badan dhalisey ay tahey in dhimashada ay mareykanka ay qirsan yihiin aysan weli gaarin 5han kun oo dhimasho ah.
Dhanka kale Col Muhanad Alcazaawi oo horey ugu tirsanaan jirey Ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq oo wax laga weydiiyey sida loogu kalsoon karo warbixinta ay soo diyaarisey Xarunta daraasaadka iyo Horumarinta ee Al-Umah ayaa waxa uu aamisan yahey in khasaaraha Ciidamada Mareykanka kasoo gaarey dagaalka ka socda dalka Ciraaq uu ka badan yahey  Tirada ay soo gudbisey Xaruna wuxuna hadalkiisa uu daliil ugu dhigaya labo Arimood oo Tan ugu horeysa ay tahey.
Tirakoobyada rasmiga ah ee kasoo baxa Mareykanka oo qiraya in sanadkii 2008-da oo qura lagu soo qaadey inkabadan 64-kun oo weerar waxaana weeraradaasi seddex meelood meel lagu tilmaamey inay ahaayeen weeraro aad u culus oo loo adeegsadey Miinooyinka dhulka lagu aaso taasi oo guud ahaan ka dhigan in wax ka badan Boqol kun oo weerar ay ahaayeen kuwo loo adeegsadey Miinooyinkaas.
Tan labaad uu daliilka uu ka dhiganayo Alcazraawi waxey tahey goob joogayaasha Ciraaqiyiinta oo qiraya in Miinooyinka lagu aaso inta badan lala helo hafkooda taasi oo badanaa keentey  inuu gebi ahaanba bur buro Gaariga Harmerka ah ama dabaabadda ah ee ay wataan ciidamada Mareykanka.

2 Responses

  1. tuugo mur tidiin gaalo cadaw ayaatihiin macalin keyna maxaad unabneysaa macalin aadan xaashi ceeroow tuugo ayaa tihiiin maxaayeelay waa qayaanten oo waad gadateen buush ayaa kagadateen tuugo tuug dhashay ayaatihiin laakiin ninkii qayaamada badnaa wauu dhintay tuug fu:aad shan gole tuugo
    tuugdhashay

    2Tan labaad uu daliilka uu ka dhiganayo Alcazraawi waxey tahey goob joogayaasha Ciraaqiyiinta oo qiraya in Miinooyinka lagu aaso inta badan lala helo hafkooda taasi oo badanaa keentey inuu gebi ahaanba bur buro Gaariga Harmerka ah ama dabaabadda ah ee ay wataan ciidamada Mareykanka.
    1kawaramo beentaas oomaxaa iduku kalifay

  2. Hi there colleagues, its impressive piece of writing concerning tutoringand entirely defined, keep it up all the time.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: